Casharada tabaabushada dhalmada, maxay yihiin?

Uur ayaad leedahay ama xaamilo ayaad tahay luqadda Jarmalkana ma aha afkaada hooyo

Waxaa dhicikarta in aad kaligaa guri kunooshahay oo aadan garanaynin cid aad usheegtid dareenkaada laxariira ilmaha uurka aad kusidid. Hadaba casharadan diyaargaroowga uurka ayaad u baahantahay

Casharadan tabaabushada dhalmada ilmaha waxay ka kooban yihiin 6 kulan waxaana qabanaaya umuliso marka loo baahdana waxaa wehlinaya turjubaan kasocda bulshadaada

Umulisooyinkan waxay diyaar uyihiin in ay si fiican kuu dhagaystaan, kaaga jawaabaanna sualaha aad waydiiso kuna siiyaan wixii macluumaad ama akhbaar ah oo aad u baahantahay ee laxariira uurkaaga

Waxay umulisooyinkaan kula socodsiini doonaan hadba heerka uu maraayo uurkaaga iyo wixii soo kordha, xilliga foosha, marka ilmaha naaska la siinayo, iyo macluumaad kale oo laxariiro kunoqoshada gurigaada dhalmada kadib

Kulomada la xariira dhalmada waxaa loo qaban doonaa kooxo haween oo ka kooban dhowr qof waxyna ku saabsanyihiin ilmaha aad dhali doontid sida uu u saamayn doon noloshaada. Kulamadaan waxa ay tixgalin doonaan xushmadna siin doonaan qofkasta dhaqankiisa

Waqtiyada ugu fiican ee aad u imaan karaysid kulumadan waa xiliyada udhaxeeyo bisha 5 naad iyo bisha 8 aad ee uurkaada

Waxaad la kulmaysaa haween kale oo sidaada oo kale uur leh ama xaamilo ah. Waxaad laqaybsan kartaa haweenkan waayo aragnimadaada iyo waxa aad filanaysid