“In the end, we always had a different, beautiful body feeling.”
Woman from Sri Lanka

Fasalada dhalashada carruurta ee luqaddaada ku baxaya

Kooraska waxaa loogu tala galay haweeenka hooyooyin ku noqon doona meel ka fog wadankooda hooyo.


Flyer somali (PDF)


Umulisada iyo turjubaaku waxay ka jawaabi doonaa su’aalahaaga oo waxay kugu wargelin doonaa wax ku saabsan uurka, dhalmada, naas nuujinta iyo wakhtiga ilmahaaga xaga guriga.

Waxa ay ku tusi doonan sida aad isugu dejinayso ama nafisayso jimicsiyada jidhka oo ugu diyaar garoobayso dhalmada. Waxaad kala hadli kartaa haweenka kale waayo aragnimadaada iyo filashooyinka ku saabsan wakhtigan gaarka ah. Sidoo kale waxaad barbar dhigi kartaa caadooyinka dhaqanka haweenka kale.

Koorasadan waxay u dhacaysaa todoba qaybood. Waxaa lagu talinayaa inaad booqato kooraska inta uu uurkagu u dhaxeeyo 5 ilaa 9 bilood.

Qiimaha koorsada

Qiimaha koorsada joogtada /caadiga ah waa CHf 350 oo ah lacagta iswisirlaan.

Qiimahani, CHF 150 waxaad ka so ceshan kartaa qolada bixisa ceemiskaaga caafimaad.

Haddii qiimaha koorsada ay macquul aheyn, fadlan laxariir Mamamundo  intuusan waqtiga ka dhicin.

Coronavirus Fragen und Antworten zu Covid-19, Schwangerschaft und Geburt
Coronavirus Information about Covid19 vaccination in Switzerland
Coronavirus Protect yourself and others – Factsheets in different languages