mamamundo
Der Geburtsvorbereitungskurs in Deiner Sprache.

Fasalada dhalashada carruurta ee luqaddaada ku baxaya

Kooraska waxaa loogu tala galay haweeenka hooyooyin ku noqon doona meel ka fog wadankooda hooyo.

Umulisada iyo turjubaaku waxay ka jawaabi doonaa su’aalahaaga oo waxay kugu wargelin doonaa wax ku saabsan uurka, dhalmada, naas nuujinta iyo wakhtiga ilmahaaga xaga guriga.

Waxa ay ku tusi doonan sida aad isugu dejinayso ama nafisayso jimicsiyada jidhka oo ugu diyaar garoobayso dhalmada. Waxaad kala hadli kartaa haweenka kale waayo aragnimadaada iyo filashooyinka ku saabsan wakhtigan gaarka ah. Sidoo kale waxaad barbar dhigi kartaa caadooyinka dhaqanka haweenka kale.

Koorasadan waxay u dhacaysaa todoba qaybood. Waxaa lagu talinayaa inaad booqato kooraska inta uu uurkagu u dhaxeeyo 5 ilaa 9 bilood.

Lacagta fasalku

Qiimaha caadiga ah ee koorsadu waa 350 CHF

Qoysasku waxay markaa dib kasoo ceshan karaan lacag dhan 150 CHF shirkadahooda caymiska caafimaadka.

Qoysaska aan dhaqaalaha haysan: Qoysaska aan dhaqaale haysan waxay taageero ka codsan karaan mamamundo lacagaha gaar ahaan loo diyaariyey ujeedadan. Haddii loo baahdo, fadlan la tasho hoggaamiyaha koorsada.
Coronavirus Fragen und Antworten zu Covid-19, Schwangerschaft und Geburt (FR / EN)
Coronavirus Information zur Covid-19 Impfung in der Schweiz – Video in 16 Sprachen
Coronavirus Downloads & Informationen in den Sprachen der Migrationsbevölkerung